anooo dadba kuugu jecel
da,daydaa kaa doortayoo
dubaaqu ii kaa galaa
adigu igu dayrisee
darmaan ugubaan ahoo
daymada lagu doogsan karee
hadaan kuu dabacsanahay
ma dayrkii makaan gubay
ileen ma habaabo dookh
dadnimo ma baaba,dee
hadaad danta igu nacayn
maxaad igu diidiyee
ka dhigan daw maanan garan

sidaa tahay daraya moos
amaba doocaanka malab
hadba docdaad jirtuu
dareenku ii jiidayaa
hadhkaagan dugaashada
qalbiga dawo uga dhigaa
wadanahaad dabiibkiisi too
naftuna kuma dayn kartee
ileen ma habaabo dookh
dadnimo ma baaba,dee
hadaad danta igu nacayn
maxaad igu diidiyee
ka dhigan daw maanan garan

Exit mobile version