jacaylku halkanbuu i dhigay
dhiiguu xulayoo dhex galay
dhuuxana wuu raacayaa

xanuunkiisiyo dhibkii
dharbaaxada caashaqiyo
dhafoorada aan qabsaday

dhabta ah caashaqa dhabta ah
dhinbiilaha dab ka kulul
i dhugo bal maruun i dhugo
ilmada iga dhacaysa qabo
i dhaymee gacaliyow

jacaylku mar horuu i dhibay
dhanbaalana waan u diray
dhawaaqiisaan maqlaa

indhuhu way dhawrayaaan
dhabay u jaleecayaan
dhakhsay u rajaynayaan

Exit mobile version