naxli caashaq waayadan
muxuu igu nastaayoo
naftaydii lugooyoo
intuu nadiga ila dhacay
ii damqaa sidii nabar
intuu naara iga shiday i
iga dhigay sidii nugul
aan la nuuxsan waayee
nabsi kama baqayside
rabaa kuu nimceeyee
haday nudubta feedhuhu
kalgacaylka nuugaan
saw kama nabtaadeen

naxli caashaq waayadan
muxuu naafo iga dhigoo
naawilaada awgaa
ila tahay naruuriyo
naalada aduunyada
siduu yahay naq roobaad
muxuu igu nagaado
cidlo noogay kaligay
nabsi kama baqayside
rabaa kuu nimceeyee
haday nudubta feedhuhu
kalgacaylka nuugaan
saw kama nabtaadeen

Exit mobile version