caashaqu lugooyiyo
lur muxuu i badayo
aan u liitay awgaa
maxaan libiqsi eegmada
laalaysay dayymada
laylkiyo habeenkaana
kugu laacay riyada oo
aan rajeeyay liibaan
roonaan lahaydaa
inagoo lamaano ah
ku noolaada loof

sida laamo labiyo
lulaaan dabayluhu
aan u licay awgaa
maxay doontay laabtuna
laxawgii jacaylka
beryo inay ladnaato
lahashadiis ilawdoo
libintiisa haleeshoo
roonaan lahaydaa
inagoo lamaano ah
ku noolaada loof

Exit mobile version