wadnayaal is jecelbaan
kala weecanaynoo
wakhtigoo ka hiishiyo
wayno taladii mooyee
kala waabanayn abid
adna wehelkii noloshoow
sidaad iila wayntahay
ama wax iila simo
ila wacan ayaa jira
waxaa tahay bogaygiyo
waaxyaha jidhkaygoo
wacadkii dhexdeenuna
wali waa halkiisii

axdigaa wadaagnaa
ka jiraa wadeecco o
walwal kuuma quudhiyo
walbahaar ku gaadhee
farxad iigu waar abid
macaan wada jirkeenaan
sida waqal guyoo da,ay
kalsooni u wabaxnee
aan ku waarno caashaqa
waxaa tahay bogaygiyo
waaxyaha jidhkaygoo
wacadkii dhexdeenuna
wali waa halkiisii

Exit mobile version