Heesta Anoo nafta - Lyrics
anoo kuu nool miyaad dhib
qalbiga qoon wayn u gaysan
niyadan adiga kugu qarwaysa
miyaad nudubkiyo xanuunka
nabarka caashaqa ku daawan
intaad nidarkii ka baydho
miyaad laalaysi raacdaa
nitaaqo hankayga gaadha
adigu ku yar naaxi maalmo
naqbaan kugu simay qabawe
adoon farxad ii nusqaamin
nugliye ha igaga dhaqaaqin
cidlada uu nacabku buuxo
anoo nafta kuu hibeeyay
nasteexo inaad u diido
niyad naxariis ka goyne
qudhani kaa naaxi wayday
anoon ka nagaan agtaada
qofbaad tahay igu dhex noole
anoo nasanoo kadeedan
nalbaan filayay iftiima
miyaad naxli igu abuuri