Heesta Gocasho - Lyrics
Adoo gam'ay oo ladaaya
Inaan galgalshoo is ciilo
Dartaa oon gogosha hiifo
Garaadku haduu ku siiyay
Adoo hoobaan guraaya
Inaan golongoloon cidloodo
Oo aan awgaa gucleeyo
U guuroon dibad wareego
Garaadku haduu ku siiyay
Marbaad garan qiimahayga
Waxaan gayo eed il duuftay
Marbaad dib u gocan xasuusta
Gayaanka anoo ku doortay
Wanaag guudkaa ku saaray
Intaan gees maray rag oo dhan
Adiga gaar kuu ahaaday
Anoon rabin kala go'eena
Gasiinka anoo u daayay
Inaan xidigaha ku geeyo
Naftayda inaad cad goyso
Haday garashadu ku siisay