Heesta Ma xiiqaa - Lyrics
Ma xiiqaa makuu xabeebaa
Ma xiisaa makuu xasuustaa
gayaankaa makaa xigsadaa
Xidiga jamashada ma beeraa
Xigaalkaa ma kuu wanaajaa
Ma xeershaa xidaar ma siiyaa
Mako iyo xaramka ma geeyaa
Xushmada gacalnimo ma siiyaa
Xaasidka caashaqa ma diidaa
Xalkana kalgacayl ma raadshaa
Adoo xaadir aa ma ooyaa
Xabiibi ma kuu ilmeeyaa
Dalxiis xeebaha maa aadnaa
Xeelada maku soo nagaanaa
Dartaa xawilada ma seexdaa
xayaabo ma kuu aqlalaa
Nacabka xagashada ma ceershaa
Xalaasha makuu qorsheeya
Xaqiiqda makuu abaaaraa
Hadalo xarago leh ma hoorshaa
Xaasidka caashaqa ma diidaa
Xalkana kalgacayl ma raadshaa
Adoo xaadira ah ma ooyaa
Xabiibi ma kuu ilmeeyaa