Heesta Naftayda adaa ushidan - Lyrics
markaan isla shawray kali
shaandheeyay kalgacaladii
sheekooyin xusuus dhaliyo
dhankayga adaa ka shidan
shirkii aan wada galniyo
wanaagii sheegana
shaxdiisa markaan dagaba
dhankayga adaa ka shidan
sidii shamsada iyo dayaxa
sheedaad ka bildhaantayoo
ada sharaf nuurayoo
naftaydaa adaa u shidan
markaan isla shiilay talo
jacaylkana sharad la galay
shan iyo toban jeer xiskiyo
dhankayga adaa ka shidan
shukaantaan wada hagniyo
caashaqu ma shafeecayee
shin dhalad aan u xiisayow
dhankayga adaa ka shidan