Heesta Dhismaha nolasha - Lyrics
naa sidii dhuur ka baxay dhulkeeniiyee
adaa dhex yareey dhildhilanoo
dhaayihii ku arkaa ku dhaafaynee
dhaqaaqiyo laafyahaaga dhugtooo
markaan ku dhawaaday baan dhaygagoo
dhudyahay nabi yuusuf baad dhaxashoo
midkuu ku dhiga hooyo may dhalin
mid kula dhega dunida kama dhalan
dharaartaan ku helay dhabtii ledayoo
dhibtiyo qarawgii i dhaafeenoo
adaa dhudiyeey xumaanba dhaqoo
dhismaha noloshoo dhan baad tahaye
naa dhamaystiran aan la ka dhimin
dhankii la dayaba xalaal dhaladoo
xumihiii laga dhawray baad tahaye
jacayl dhaba maanta igu dhacayo
adaan kaligaa ku dhawrtaayooo
miyaad dhayi boogta dhaawaca ee
dhooleey dhakhtarkaygii maad noqon
dharaartaan ku helay dhabtii ledayoo
dhibtiyo qarawgii i dhaafeenoo
adaa dhudiyeey xumaanba dhaqoo
dhismaha noloshoo dhan baad tahaye