VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta gabdhaha soomaaliyeed - Lyrics

Gar eexeed lama guntee Gabdhaha soomaaliyeed Garawshaha fiicaniyo Go'aankaa lagu gartaa Guntimada ay xidhaan Gabdhaha soomaaliyeed Gareeyskeey wada qabaan Gabdhaha soomaaliyeed Hiddihu gaar buu u yahay Gabdhaha soomaaliyeed Gabdhaha gabileey kunool Kunool gaarisiyo kismaayo Garoowe gabdhaha kunool Kunool gaalkacyiyo mudug Gobiyo weeyaan gayaan Guniyo eed lama dhaxlee Gabdhaha soomaaliyeed Inay gaari wada yihiin gaddaa waa lagu yiqiin Kuwaa galinsoor kunool Gabdhaha soomaaliyeed Kunoo gudaha jigjiga Gabdhaha soomaaliyeed Cidiba kuma gaadho qurux Gabdhaha soomaaliyeed Hargaysa gabdhaha kunool Kunool goonyaha jabuuti Gabdhaha baydhabo kunool Kunool goday iyo wajeer Gobiyo weeyaan gayaan
Queue is empty
-- / --