Gar eexeed lama guntee
Gabdhaha soomaaliyeed
Garawshaha fiicaniyo
Go’aankaa lagu gartaa

Guntimada ay xidhaan
Gabdhaha soomaaliyeed
Gareeyskeey wada qabaan
Gabdhaha soomaaliyeed
Hiddihu gaar buu u yahay
Gabdhaha soomaaliyeed

Gabdhaha gabileey kunool
Kunool gaarisiyo kismaayo
Garoowe gabdhaha kunool
Kunool gaalkacyiyo mudug
Gobiyo weeyaan gayaan

Guniyo eed lama dhaxlee
Gabdhaha soomaaliyeed
Inay gaari wada yihiin
gaddaa waa lagu yiqiin

Kuwaa galinsoor kunool
Gabdhaha soomaaliyeed
Kunoo gudaha jigjiga
Gabdhaha soomaaliyeed
Cidiba kuma gaadho qurux
Gabdhaha soomaaliyeed

Hargaysa gabdhaha kunool
Kunool goonyaha jabuuti
Gabdhaha baydhabo kunool
Kunool goday iyo wajeer
Gobiyo weeyaan gayaan

Exit mobile version