VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hablaha - Lyrics

Habalaha dunidoo dhan Hadii aan fursad siiyo Habeen qudha agtaa Cidbaana helaynin Halkaad ku nagaatey 2x Adaa haga maanka Hogaansha naftayda Halbawlaha beerkayga Jacayl ku habaaya 2x Huunooy huunooy sharaftaada Hadii aan mid ka taabto Halbeega wanaaga Cidbaan ku haweysan Adaa u hormuuda 2x Amaanta haweenka Hawraar iyo maanso Cid hees lagu sheego Adaa ku haboonee Hanaankiyo muuqa 2x Heedayda ku raacdey Hubaal ku jeclaatey Dareen ku haleeyay Haween uma jeedo Heedayda ku raacdey Hubaal ku jeclaatey Intaad hinjinayso Haween uma jeedo Huunooy huunooy sharaftaada Hadii aan mid ka taabto Halbeega wanaaga Cidbaan ku haweysan Adaa u hormuuda 2x
Queue is empty
-- / --