Habalaha dunidoo dhan
Hadii aan fursad siiyo
Habeen qudha agtaa
Cidbaana helaynin
Halkaad ku nagaatey
2x

Adaa haga maanka
Hogaansha naftayda
Halbawlaha beerkayga
Jacayl ku habaaya
2x

Huunooy huunooy sharaftaada
Hadii aan mid ka taabto
Halbeega wanaaga
Cidbaan ku haweysan
Adaa u hormuuda
2x

Amaanta haweenka
Hawraar iyo maanso
Cid hees lagu sheego
Adaa ku haboonee
Hanaankiyo muuqa
2x

Heedayda ku raacdey
Hubaal ku jeclaatey
Dareen ku haleeyay
Haween uma jeedo

Heedayda ku raacdey
Hubaal ku jeclaatey
Intaad hinjinayso
Haween uma jeedo

Huunooy huunooy sharaftaada
Hadii aan mid ka taabto
Halbeega wanaaga
Cidbaan ku haweysan
Adaa u hormuuda
2x

Exit mobile version