nacabkaan iska deebay
dibidaabyo qabino
danaahooga ku foofay
ka dabaal dega maanta

dalku waa nabad maanta
noloshaada dadku haysto
dawladaa ka shaqaysoo
dunidii u riyaaqday

madaxdeenu dadaashay
daacaadbaa na hogaansha
qalbigaa garab taagan
dareenkii shacabkaygu
xilimuu dagay maanka

waxa taa daliil u ah
somaala isku duuban
shacabkaa iska diiday
dibindaabyo qabiino
danahooga ku foofay
la dabaaldega maanta

danahaa xamar weyne
dayniile hodan eega
docda kaa gan ma diida
orda soo daya caawa

dooga yaala afgooye
xeebta liida dalxiisa
baaqayaan diraayaye
dibadaa kuwa aaday
allow yaa dib u keena

Exit mobile version