VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta shidan - Lyrics

Ma sinnee habloo Suurad kala qurxoon Sumcad kala habboon Kala badan sammaan Sawraciyo tilmaan Sinji gobanimaad Saafi baa tahoo Waad sariigataa Kalgacayl saxoo Saxar aan lahayn Sadrigaad degtee U sarree hablaha Sida saymo roob Subax hora da'oo Dhulka daadku simay Naftaad saaciddaa Sharaf soocanoo Saatir uumayee Sadarada murtidaa Adaa saad u helay Kalgacayl saxoo Saxar aan lahayn Sadrigaad degtee U sarree hablaha
Queue is empty
-- / --