Ma sinnee habloo
Suurad kala qurxoon
Sumcad kala habboon
Kala badan sammaan

Sawraciyo tilmaan
Sinji gobanimaad
Saafi baa tahoo
Waad sariigataa

Kalgacayl saxoo
Saxar aan lahayn
Sadrigaad degtee
U sarree hablaha

Sida saymo roob
Subax hora da’oo
Dhulka daadku simay
Naftaad saaciddaa

Sharaf soocanoo
Saatir uumayee
Sadarada murtidaa
Adaa saad u helay

Kalgacayl saxoo
Saxar aan lahayn
Sadrigaad degtee
U sarree hablaha

Exit mobile version