Heesta Marhaba Marhaba - Lyrics
maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan
bishuu magaceedu bilaha u mudnaa
macbuudku amaanay yaa ramadaan
maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan
miskiin iyo taajir bishii la misoobay
islaamku midoobay yaa ramadaan
maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan
qofkii ka masuugo bishuu murugoodo
ka maaroobo naarta yaa ramadaan
maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan
sidii mayay hooray bishii mum'miniinta
ka maydha dunuubta yaa ramadaan
maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan
qofkii ka memeera ka maaga xumaanta
bishuu ka macaasho yaa ramadaaan