Aaminey xusuusnow
inkastoo ayaamahan
arintaadu adag tahey
aadmigu siduu qabo
ama ay aniga ila tahey
Adna aad ogsoontahey
ifka intaan ku noolahey
kaa ooli maayo

In ninkale arooskii
kuu abaabulaanoo
oridiisa noqotana
waa midaan ahaaneyn

Arin waxan ku goynaba
soo ururi taladoo
isu imashadeenii
arbacada habeenkii
afar saac markey tahey
hay inoo ahaatee
aaminaay xusuusnow

Aaminaay xusuusnow
hadal wuxu amaan yahey
intaanad odhanine
afka haduu ka soo baxo
adigu uma arimiside
ummaduu u dhexeeyaa
arkaa qaadna weeyoo
oodiisu kaa rogan
doqontii ismoodee
arooskeed ka heestiyo
indha u garad ha noqonine
iska hubi ujeedadan
Arin waxan ku goynaba
soo ururi taladoo
isu imashadeenii
arbacada habeenkii
afar saac markey tahey
hay inoo ahaatee
aaminaay xusuusnow

Exit mobile version