VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Abaadiroo - Lyrics

Olol reenka caashaqa igu helay aduunee ulashadda kalgacalkee uur nibiri iga galay ambabaxa talaabada anigoon itaal hayn naftu orodka raacdada waxay aamin igu tidhi saw aragtideedii indhuhu dooni maayaan ana saw ugubka iga maqan eegi maayee ururkiisa qaadkaa sheekhii alkumayoow aabaadiroow soo ururi caashaqa ooha ooha ooha ooha indheer garad waxa jira talo looga aayee waa oday ka sheekee abataqa gunteediyo af libaax jacayl galay waana uur ku taalee hudhudkii il duufee eedeeyay nabi sulaymaan saw ma odhan ilaalaan ku maqnaa ayaamahan ana saw amaanada maqan eegi maayee baadidii ayaa maqan sheekhii loo irkanayoow aabaadiroow soo ururi caashaqa ooha ooha ooha ooha eri dhabanka geeluba goortuu ilmaha tabo halkii lagu oodiyo isagon rugtii iman afka baad ma galin karo ololkana ma daayee gudcur ooda soo rogay kaymaha ugbaadka lleh saw jawharad iftiintaa masku kuma ugaadhsado ana saw itaal iyo nasiib eersan maayee biyo idam illaahay iidaan kii ka dhigayoow abaadiroow soo ururi caashaqa ooha ooha ooha Lyrics by Ismail Ahmed
Queue is empty
-- / --