Olol reenka caashaqa
igu helay aduunee
ulashadda kalgacalkee
uur nibiri iga galay
ambabaxa talaabada
anigoon itaal hayn
naftu orodka raacdada
waxay aamin igu tidhi
saw aragtideedii
indhuhu dooni maayaan
ana saw ugubka iga maqan
eegi maayee
ururkiisa qaadkaa
sheekhii alkumayoow
aabaadiroow
soo ururi caashaqa
ooha ooha ooha ooha

indheer garad waxa jira
talo looga aayee
waa oday ka sheekee
abataqa gunteediyo
af libaax jacayl galay
waana uur ku taalee
hudhudkii il duufee
eedeeyay nabi sulaymaan
saw ma odhan ilaalaan
ku maqnaa ayaamahan
ana saw amaanada
maqan eegi maayee
baadidii ayaa maqan
sheekhii loo irkanayoow
aabaadiroow
soo ururi caashaqa
ooha ooha ooha ooha

eri dhabanka geeluba
goortuu ilmaha tabo
halkii lagu oodiyo
isagon rugtii iman
afka baad ma galin karo
ololkana ma daayee
gudcur ooda soo rogay
kaymaha ugbaadka lleh
saw jawharad iftiintaa
masku kuma ugaadhsado
ana saw itaal iyo nasiib
eersan maayee
biyo idam illaahay
iidaan kii ka dhigayoow
abaadiroow
soo ururi caashaqa
ooha ooha ooha

Lyrics by Ismail Ahmed

Exit mobile version