VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Aminaay xasuusnaaw Lyrics

aaminaay xasuusnow
inkastoo ayaamahan
arintaadu adagtahay
aadmigu siduu qabo
ama aniga ila tahay
adna aad ogsoontay
ifka intaan ku noolahay
kaa ooli maayoo
in nin kale arooskii
ku abaabulaayoo
ooridiisa noqotaa
waa midaan ahaanayne
arin waxaan ku goynaba
soo ururi taladoo
isu imashaheenii
arbacada habeenkii
afar saac markay tahay
ha inoo ahaatee
aaminaay xusuusnow

aaminaay xusuusnow
hadal wuxuu amaan yahay
inta aanad odhanine
afka haduu ka soo baxo
adigu maari ma lihide
umaduu u dhexeeyaa
arkaa qaadna weeyoo
oodiisu kaa rogan
doqontii is moodee
arooskeed ka heestiyo
indho ku garad ha noqonine
iska hubi u jeedada

aaminaay xusuusnow
inta kaleba waa sahal
iyo arar sokeeyoo
afka baarkii weeyee
midina waa ololoo
iska helay afmeerada
waxay eedi joogtaa
ama aafo ay dhici
anoo adiga kuu maqan
aynigaana kuu jecel
markaad awr dameer kale
anbaqaad u guurtee

Lyyrics by: anwar

Song name
-- / --