Aasmaay daa’uus la mood
daraan dare dhaayihii
dukhriga kuu eegayoo

Dareemey markey arkeen
indha deerada ahee

Sida dahab maar ku jira
ama dab la shidey habeen
dadkey ka dhex muuqatee
allow ka du il daran

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan aqal deyr laheyn
ogow daadkaa u gala

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan raggu dumar laheyn
dibjir buu noqon lahaa

Asmaay daa’uus la mood
dabeecada fiicaniyo
badh weeyaan diintuyoo

Waxaad tahey ruux duniyo
dulqaad meel loo dhigee

Hadii dunidaba dhamaan
dumar isu qurux dhigtaan
ileyn dayax baad tahee
adaa lagu daawan laa

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan aqal deyr laheyn
ogow daadkaa u gala

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan raggu dumar laheyn
dibjir buu noqon lahaa

Exit mobile version