VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Balanbaalis mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Hassan A Samatar
Balanbaalis

Sida Meel Barwaaqo Ah
Oo Buuro Dhaadheer
Wabi Baal Maraayoo

Barbarkana Daruuruu
Kaga Began Yihiinoo
Waaguna Baryaayoo

Bardihii Magooliyo
Ubaxii Gadaal Baxey
Balanbaalis Qalimo Leh

Hadba Laan Ka Boodaad
Adna Ii Bidhaantaa

Biligtaadu Waa Taa
Kalgacaylka Beertoo
Bilicdaad Wax Dheertahey.

Meel Baadku Hawroo
Maajiin Baldhiiliyo
Maadhiyo Baldhuuluhu

Baarka Isku Soohdeen
Aan Bahal Ugaadhiyo
Baryahaa Dad Soo Marin

Oon Wali Bur Laga Gooyn
Biyuhuna Qulqulayaan
Sida Loo Guban Baxo

Yaan Kugu Badhaadhaad
Adna Ii Bidhaantaa

Biligtaadu Waa Taa
Kalgacaylka Beertoo
Bilicdaad Wax Dheertahey.

Hawdiyo Banaanoo
Beeshu Nabad Bariisada
Barqinayso Maalkoo

Ay Bari Samaatahey
Dhalintiyo Barbaartuna
Dhaantiyo Balooleey

Bulsho Gago U Fayteen
Sida Loogu Beerraqo
Subaxaan Ku Booqdaba

Yaan Kugu Badhaadhaad
Adna Ii Bidhaantaa

Biligtaadu Waa Taas
Kalgacaylka Beertoo
Bilicdaad Wax Dheertahey

codkii Hassan A Samatar