Heesta Bulshayahay ma nabad baa - Lyrics
sidii barayoo roob
qudha waaga subaxdii
bada kaaga soo baxay
burco iyo banaan hawd
boosaaso iyo bari
berbera iyo hargeysiyo
beerihii jamaamiyo
xamarbaa leedihii
meelbaa le ku onkaday
beryaan kala maqnaynoo
waanigii basaase
bulshayahay ma nabadbaa
dadkuu seexday badankii
kolka soo baraarugay
habeenkoo badhkii tagay
ciidayda bilaniyo
beesha xasuusta
wakhtigayga badanoo
mar kolkaan maqnaadaba
sanad buuxa mooda
dadkii aan ka beerma
mudo kala maqnaynoo
waanigii kala basaasno
bulsha yahay ma nabadbaa