cada sooo baxdiyo
caadiyo hilaac
cirkoo halalac yidhi
ubax ciidhayiyo
nuuriyo cidlaa
cayn caynahoo
inta dalag camiray
cara samii ku yaal
cosob iyo ugbaad
calafiyo sunbaax
raays iyo camuud
caydhiina wali
cidhiifyada dusha iyo
caska daadagana
cidna daaqinoo
cag la saarin wali
cayadi baxdiyo
geed culaanyadii
caaradii ku taal
cimiladuna tahay
nabad caama oo
wax la caalufiyo
cudur iyo dugaag
cabsi looga qabin

carad doogsato
wali curashadiyo
cirku dananayoo
biyuhuna ca tagay
ceegaagsameen
sida caynadaa
adigaa casiis
cawo samiye muuq
sharaf lala cajabo
inta kuu cayimay
caawadaa dagee
cindi nuuriyaay
cadceed dhallateey
naftii ku calmataa
wali ku codsatoo
cagtaad daalisaa
calaf kugu sugtee
caashaqa daweeyoo
calool samidu waa dane
ha halmaamin caadadaa

Exit mobile version