VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cindi nuuriyaay (old) - Lyrics

Cadda soo baxdiyo
caad iyo hilaac 
cirkoo walalac yiri
ubax ciira iyo duur
iyo cidlaa

Cayn cayn ahoo inta dhalay
camiray carra sami kuyaal

Cosob iyo ugbaad caraf iyo
sumbaax qays iyo camuud
cayriina wali

Cirifyada dushee cadkaad 
aadana dalabyaduu cid tahay 
cidna daaqino 
cag la saarinoo
cayadii baxdiyo geed culayee
caaraadii ku taa

Cimiladuna tahay nabadd caan 
ahoo wax la caaluqiyo
cudur iyo dugaag  cabsi 
looga qabin.

Cimiladuna tahay nabadd caan 
ahoo wax la caaluqiyo
cudur iyo dugaag  cabsi 
looga qabin.

Cara doogsatoo
cara doogastoo wali 
curashadii cirka dananayo
biyo cunaha tagay ceegaag samee

Sida cayna dahab adiga casiyee
cawa same iyo muuq sharaf lala 
cajabo inta kuu cayimo cayimay
 caada dagee

Cindi nuuriyaay cindi nuuriyaay
cadceed dhalataye naftii ku calmata
wali ku codsatoo cagtaad dalisaa
calaf kugu sugtee

Cashaqa daweeyo
calool samida wa dane
Ha halmaamin caadada
Queue is empty
-- / --