VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dalsan new - Lyrics

Dalsankii wiriiroo
xiligii ku di i jiray
dabarsamuu ku onkoday
darantuna ugbaad tahay
oo ramasku dayr dhalay
deercadkisii loo dhigay
nirgaha mid duleedka
damalada hadhkoodana
dikriyeysa culimadu

Habluhuu dahab la moodiyo
doobkiyo barbaartuna
ilaa waaga daalaco
sacabka ayna dayneyn

Daymada sideedii
marka aan ku daawado
qalbiga ku diirsada

Dadna adaa ugu qurux badaney
jeegaanta roobkiyo
adaa doogna ka udgoon
dumarna waa adoo qudha
dookhna waa ka igu jira
duntuna iigu kaa xidhan

Xidigtii dagaar iyo
dayaxa iyo cadceedo
darisoo gantaalaha
dacalada ka baxayiyo
diilimo iska hor yimid
daheer damaano
cirka meel ka wada dagay
oo daga iyo nuurka
midabkooda dahabka ah

Daaweystay maalmuhu
dan wadaag shucaac u leh
sagalyaroo da’a a iyo
dusha caad isaga maray

Dar alee jaleecada
waxay dunida u eegyihiin
idileey adaa jira

Dadna adaa guu qurux badan
jeegaanta roobkiyo
adaa doogna ka udgoon
dumarna waa adoo qudha
dookhna waa ka igu jira
duntuna iigu kaa xidhan.

Queue is empty
-- / --