VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Damaashaad ‘Dawo’ - Lyrics

Samater:
Dawooy dawo caafimaadeey
Darmaan qurux lagu mariimaay
dareenka nafteeyda kiciyaay
deegaan baxdey, ubax dilaacey
maxa damqashada kalgacalka 
dartaa u haraadanaa
maxaa gabalkoo dam yidhii
dadkoo seexdey guuro galay
maxey dirqi igu aheyd
danteena inaan u kaco 
muxuu daal igu badnaa

Sahra Dawo :
Dugsiyoow Dugsi lama huraanooow

dabeysha dhaxantaa celiyoo
cir da\'ay dalmaasheeye rooboow
duufaan caashaqu caashaqu wadiiyo
maxaan doorsoomay rogmadey 
dabaasheey habeen madoow
maxaan diifta igu taal
dadkaa kula yaabi idhi
maxey dib u gocoshadiyo
xasuustu idaashadeen 
maxaan anba kaa darnaa

Samater:

Dadaalkeey mudnaa
daryeelkaaga wacnaa
inagoo isku duuban iyo
dadkii in gargaariyo 
deeqda rabibaa lahaa
damaashaad ila cayaar
damaashaad lalalaaaaa

Sahro Dawo :
Dadaalkeeyga mudnaa

daryeelkaaga wacnaa
anagoo isku duubaniyo
ducada waalidkeen iyo
deeqda rabi baa lahaaa
damaashaad ila cayaar
damaashaad

Queue is empty
-- / --