Jacayl aan dhamaanbaa
Dhexda iigu maranoo
kii hore ayaa i dhaawacay
kanna way igu dhaafee
Dhabuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba waxyaablaa
igu soo dhacaayee
Allahayow dhib badanaa
adoo dhoofey caashaqa
dhul shisheeye kaa heley
Waaban soo dhaqaaqee
dhiiranaa il adaga
dhabaha yuu lasoo marey
dhawr habeen dayaaradi
meel ay udhixi buu
dhakhso iigu yimide
dheereeye maxaa side
Waxa kaloon la dhaygagay
koron korta dhirteedii
dhulkoo hodon ah geedaha
dhayntiyo canba is xidhey
kayn libaax ilmaha dhigo
anigoo ku dhuuntuu
igasoo dhex saaree
dhaayihiisu furanaa
ma dhal awliyaadbaa
Hurdo miyaan dhakoolaa
dhan markaan useexdaba
soow dhool la moodii
dhabta anoo ku heeysta
kuma soo dhadhabayoo
dheelalow ma soo kaco
Soomaaliya Dhankeedii
Dhawaq farax leh mooyee
Dhiilo kama sugaayee
Allahayow iyadoon dhiman
Dhaban quruxsan oo ladan
Kalgacaylkii dhicin
waliba dhir sii korey
dhulkiiyoo barwaaqaa
dhamaantayo na nabad gee

Exit mobile version