Ileen Duqoni Dab kama kacdee
Daamankee meermiirisaa

Docday Kaa jirtaaybee
Dhaxani kaa dishaayo

Ma diirsado walaalkeed
Intee dunida joogtee
Doqonee dabkaa ba’a

Da’deeda coos udarban bay hurdaa
Owrkeeda oo Udabran bay daacyaada

Dabaqsiyo iyo duubasho
Taa dooratay ma Dad baa
Doqonee dabkaa ba’a

Ileen Doqoni Dab kama kacdee
Daamankee meermiirisaa

Ma taqaano dhooree
Dabool baa ka saaranee

Markay dalab tiraahbay
Ilmada daadisaayee
Doqanee Dabkaa Ba’a

Tacliinta loo dareeray bay La calmataa
Daruuska oo la qaadan bay sahashataa

Jaahilnamay sidaay ku day day **
Doqanay dabkaa ba’a

Dunida oo hayaantay
Bay dib unqodee
Dalkooda oo burbaray
Bay dagaalamaan

Dulinimo Sidaa ku dayday
Sidaa ku dayday **

Exit mobile version