VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Ducaysana wiilkaygow Lyrics

ducaysane wiilkayow anoo danyarban ku dhalay
dabadeed waxaan galay askari
anoon waligay dalaciniyo dablaan kugu soo korshoo

qayrkay wuxu duunyo yeeshay aasaagay daara jeexday
adaan kugu daalay aabo

dartaa halankaan u maray RABIGAY iguma darnaane
durbaan guushii hayaa

markaad dugsi sare dhamaysay adoon dibada u hilobin
inaad dal jir daafac noqotoo hadaad dooratoo jeclaatay
ducaan kuu hibeeyay aabe

aduunka intaad dul jooto
darajo yar yaraysi malahee
haduu RABI kuugu deeqo
ha noqon doqn kibir ku faana

aduunka damane yaan lagugu xaman
dulqaad waligaa lahaw
dadkaad xukuntana tix gali
sharciga daacad u ahaw

ha diidine amarka raac
dalkaaga nafta u hibee
waxaan danta guud ahayn
ducaysane kuguma ogi
murtidu doogoobi maayo
adigiyo inta kula da'aba
dardaaran idiinka dhigayaa


Lyrics by: anwar
loading..
-- / --