Heesta Gilgilo ‘ Tan iyo Goortoo..’ - Lyrics
Tanni iyo tani iyo
Tani iyo galabtuu ihelay anniga
Caashaqaan i helay
Ma gurin mana gaagixinee
Wuu sii gogol qaadayaa
Gu walbaa woo igu badshaa
Galgacal aan gaboob lahayn
Xusuus aan iga go'ayn
Guudkayga lagu guntee
Qalbigaan geedkii ka baxay
Guntaana ka waraabiyaa
Tani iyo tani iyo
Tani iyo goortuuu ihelay anniga
Kuwii aan dirsaday
Ma go'in mana gaabininee
Wuu sii gogol qadayaa
gal gal buu igu hayaa
Garasho aan hilmaan lahayn
Gocashu aan hiloob lahayn
Garabkayga lagu xidhayee
Qalbigaan geedkii ka baxay
Guntaana ka waraabiyaa