siduu yahay gud gude roob
geyr iyo dabeyl badan
banaan geed laheyn iyo
dhul gelgelina kaa helay
jaceyl igu gadaantoo
markuu ganafka heeryada
guudkeyga saarey
i gurguriyey caashaqu
ee uu gibisha igu xirayey
i garwaaqsan weydoo
gacanta igu seeydhee
anna gooha riinkiyo
gocoshada ma daayee
meeleey ku geysaba
godobteyda la caraaw.

Exit mobile version