VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haadba haad kici - Lyrics

Halalacda iyo muuqii indhuhu waxay u haysteen
dayaxoo hogisii ka so baxay hal badhkeed

Shucaacoo higsanayeey
ma aday i hortaagnaa

Hiyiga udgoon kan
haqalka ula sara kacay

ay moodey himiladu
goor hiimse hiimse ah
hawd iyo ka yimid bari
misna ma adiguu ahaa

Haadba haad kici
haybadaad u noqataye
hodan baad ka tahay qurux
hamano waa tan kugu ladhan
heliskana nasiibkey

Waqalkii harqanayee
hara waa tigaad
jaro aan ku hubsaday
fad habeen da'ayaa

Ku haloosiyaaye
hilaaciina ma adaa

Higilkana madawgii
isa soo hadoodilayee

Ma timahan haldhaagee
halaf saday daruurtiyo
dabayshaa hirdamayoo
hirgina ma adiguu ahaa

Hadba haad kici
haybadaadu noqataye
hodan baad ka tahay qurux
hamano waa tan kugu ladhan
heliskana nasiibkeyee

Queue is empty
-- / --