VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habooney Naftaydan - Lyrics

sida hogasha roobka
ama hilaaca guyoo da’ay
hobaan bislaatiyo
haro wada biyeysan
oo lagu hayaamo
hubaal sahan kii uu raray
waxuu si hintiqiyaba
hada qadacsi loo jiro

haboonay naftaydaan
higsi baad ku noqatoo
adaa ii hiraayee
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygaan ku sugayaa

hanfi iyo dabayl baa
isu kay hadheeyoo
sida hawd dulhamagan
habaqa iga baxayaa

hadaan haysto taladaa
hiboy kaama hiisheen
kuu hoodo sheegtee
haween haygu noqonine
waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa

hanaankiyo quruxdaan
hiboy kugu jeclaadee
hablahaad u sidataa
haybadiyo asluubtee
sahamiyey dartaayo
habeen socod ku waasho
waxan eega dhaafaa
hawadaa sareetee

waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa
waxaa kuu diyaariyey

Queue is empty
-- / --