VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Haweeya Lyrics

howlaha aduunyadu
wa kuwa is heystoo
aan kala hareynoo
hami iyo faraxuna
midba wa halkiisee
habeen dhalad midkii ah iyo
kii nasiib ku haray
weys hareer socdano
kala harina maayaan
aniguna haweeyaay
nafteydii habenadan
halis bey ku sugantee
hilaac aan dhaweynbaa
halka geelu daaqiyo
beesha haradigediyo
howd iga muuqda

dhul uu huguf ku da,ayoo
hambalo ey ku taalbaa
ku haloosiyaayoo
maskaxdu ey la hadashaa
hogol aan roob laheynbaa
haruub la hoos ordayoo
hadaama qodanbaan
ka dhex heesayaayoo
jaceyl aan hareynbaa
heeryada i saaroo
jini haaftuskiisaan
haasaawiyaayooo
heybshaa jacelkiyo
halka aad ku nooshahay ,

loading..
-- / --