Hilaac baxay habeen
Hiyiguu kacshaaa
Hablahana middii
Heybad iyo qurux
Ku hagoogan baa
Ku Hogaamisee

Anna waan hubaaa
Inaan kaa heloo
Hiyigeygi baa
Kuu heelanoo
Hankeygi baa
Ku hamuumayeee

Heegoy hadmaad
igu hoorisaaa
Heegoy hiiftiyo
Iga bi’in haraad haraad haraad
Iga bi’i haraad iga bi’i haraad
~~Heegoy

Halacsiga indhaha
Lama hayn karoo
Marka Goray haldhaa
Tallaabada habsami
Hooshaariyeee
Dhaqaaqoo Hullado

Anna waan hubaaa
Inaan kula hayoo
Hiyigeygi baa
Kuu heelanoo
Hankeygi baa
Ku hamuumayeee

Huunoy adaan
kuu heesayaaa
Huunoy hiiftiyo
Iga bi’i haraad haraad haraad
Iga bi’i haraad iga bi’i haraad
~~Heegoy

Exit mobile version