haybadaada wacaniyo
hanaankaaga fiican
hubaashii ideeqoo
haybow waxaad tahey
kii aan heeybinaaye.
hooygan aan dhisaynaa
kii noo hagaagee
hoodo iyo barwaaqo leh
ha ka yeelo eebuhu.

sida hawd barwaaqo ah
oo xaley hilaac marey
ama laan hareeriya
waxad tahey hubaashii
naftu middey la heeysaa.

hoygan aan dhisaynaa
kii noo hagaagee
hoodo iyo barwaaqo leh
haka dhigo eebuhu.

sida hadhac magooloo
cirkuna heley habeenimo
daadkuna haraaciyey
hooygii caafimaadkiyo
hogob lagu nastaad tahey.

hooygan aan dhiseynaa
kii noo hagaahee
hoodo iyo barwaaqo leh
ha ka yeelo eebuhu

Exit mobile version