Heesta Isha baydhaba - Lyrics
baylah igu helayoo
booraan igu ridyoo
baasaa jacayl
buujoobayee
bagaad i dishoo
beerkiyo wadnaha
birta ugu jafee
ma i bixin lahayd
boogtii hadana
sii balaadhatoo
bogsan waydayee
bardihii ku yiil
ishaa baydhabo
intuu guniyo baar baxay
caleemuhu balaadheen
baxra saaf la moodyeey
badan aan ku dhacay
sideen uga baxaa
badbaado ALLEE
waadiga is badala
bal badraybaan arkee
baga markaad u tidhi
baahidaan kuu qabo
kaama baaqan bari
bishi dhalatayeey
been kuma hadline
barbarkaad jirtaan
wali bildhaansadaa
balan looma dhigo
ruux laba bogle ah
baribuu waqtigu
baal hareer maraa
boholyoobayee
barigii hore
sidaan kuu bartaan
baladan lahaa