Hilaac rooboo
kaliil da’ay
halalac dhul
doog luu ku hirayaa,
Hubaal caashaqaagii
halis gali nafteydee
hadal caafimaad qaba
iiga hoo
Jacaylku habaabi maayuu
nasiibku hungoobi maayuu
hantina waxba waayi meynee

[Dhextaal]
Hada aan dhameynee
kujar hadalka kujar
kujar hadalka kuba jar
(2x)

Hibo deeq mid hodaneey
madheedh hawr hilan hareeriyaa
waxaad haabeyneysiyo
himiladii bislaatee
hadal caafimaad qaba
iiga hoo

Horseed ku abaar ma sheegine
hayaankuna geedi weeyee
haraadna ka yaabi meynee

[Dhextaal]
Hada aan dhameynee
kujar hadalka kujar
kujar hadalka kuba jar

Exit mobile version