VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Liibaantu waa - Lyrics

Ma hal baan lalabayaa Ma libbaan hiigdanaayaa Ma luggooyadiisiyo Jacayl baan la liitaa Ma leebbaan cirka uganay Malaftaan kabayaa Ma luddaan jarayaa Sida loolan dirireee Ma lammaanahaygiyoo Lexaadkaan ku ciidmaa Ma lil caashaqbaan galayee Layligu biyuhuu daadiyaa Lahashadu jar beey kaa riddaa Liibaantuu waa ma is afgarannaa Ligliggaan jacaylkii hayaa Liddimo adeey kula hartaa Lillaahidu jidbeey kugu riddaa Liibaantu waa ma is afgarannaa Laabtuu kalgacalkii harsaday Ma lixbaan la diriraa Ma labaan ka cararaa Ma lishaanka dheer baan Looliga dulsaaraa Kalgacayl mallaasimay Ma luxbaan ku daabacay Qalbigaygu lahashada Xiisaha laadaabtaleh ciil Ma leexada abaartiyoo Laxoow baan la liitaa Miyaa la igu weyn yahay Liddimo adeey kula hartaa Lillaahidu jidbeey kugu riddaa Liibaantu waa ma is afgarannaa Laabtuu kalgacalkii harsaday Layligu biyuhuu daadiyaa Lahashadu jar beey kaa riddaa Liibaantuu waa ma is afgarannaa Ligliggaan jacaylkii hayaa
Queue is empty
-- / --