Markaan da’da jiray 15
markaan damac guur la soo kacay
dooqeyga markaan u sahan tagay

Nafteyda midaan u door bido
da’deed anigoon ka garaneeyn
Hablaha ka daydayo midaan iri

Dabeecadaha gaariyo
balaan dulaha tilmaamee
cirkaa dambi samir ku horee
dunida maansheeyay waa gu’ee

Midibka biyo dahab sidoodee
ishaan daymada ka boganoo
jeedalaal waa dawiyo nabbadee

Caashaqaan mudo badan
mudo badan i daashaday
Riyada taan doonisteedii
Hurdada deris ula ahaan jiray
Dabayshiyo dhaxanta deereed
dugsiga iiga noqon lahayd
armay daranee adiga tahayee
armay daranee daranee adiga tahaye

Caashaqaan mudo badan
mudo badan i daashaday

Riyada taan doonisteedii
Hurdada deris ula ahaan jiray

Dabayshiyo dhaxanta deereed
dugsiga iiga noqon lahayd
armay daranee adiga tahayee

Doodiyo kulankii barashdaa
deeqdiyo hadalkagi macanaa
dawiyo samirkiyo dulqaadkii
iimaankiyo daacadada
dubaaqayga jecleeystii
naftayda tii ay ku dagi lahayd
armay daranee adiga tahayee

Armay dareen adiga tahayee

Exit mobile version