haduu guur magac lahaa
micniyo quruxdii lahaa
milgiyo hida raac lahaa
jacayl u midawdayoo
waxaa tihiin llaba mulkiyay
miraalaha caashaqaa
waxaa marageeda furay
maamuus idiin dhiciyo
murtida suugaan la xulay
waxaa mudateen aroos
meeqam sare loo sharaxay
taariikhdana meel ku qoran

waxaa mirateen kalgacal
liskiisii mugaabiseen
masno meel roob lahoo
mawluhu nimceyaybaa
aduun madal raaxo badan
kumaashaan ramad macaan
wakaa maashee dadkuna
golihii marti qaadka iyo
mudnaantiinii u yimid
waxaa mudateen aroos
meeqaam sare loo sharaxay
taariikhdana meel ku qoran

Exit mobile version