naftayda waan kuu huri lahaa hantina kaa bixin lahaa hagar kuuma quureen halistaad igoysiyo halkaad igaga taale x2

hawaa dhalisa caashaqa ee hiyigu raac hadbaa keenta geerida ee ku hortimaad x2

raga iyo haween kuba midna haybad ma yèeshee kan kaloon la haynine x2

hadhow bay oran layma heesine la ilama hadline doob hurday helay hoobeeyay soo hor caashaqa aan heshiinee x2

dhan kayga waan kaa hanan lahaa haween uroon kuu noqon lahaa hawo guur madiideen hadaan hubo dhan kaagee hadaad hagar baxaysee x2

habeen kaliya caashaquyee mahirgalo haye kuma hagaagee horta baro x2

raga iyo haween kuba waxay haybad ku yeeshaan hab samaanta guur kee x2

meelaan loo hubin aan horseed wadan looma haadshoo way hawirantaa hoobeeyaay haki caashaqa yuu habaabine x2

jacaylka waan kula habeen laa hiil baan kuu noqon lahaa howl kuguma dhaafeen adigoo haraad qaba habeen kaama seex deen x2

hamaa keenta caashaqa ee halacsiga huq baa keenta hibashada ee nabar horee x2

raga iyo haween kuba midna haybad ma yèeshee kan kaloon la haynine x2

hadhow bay oran layma heesine la ilama hadline doob hurday helay hoobeeyay soo hor caashaqa aan heshiinee x2

howd geeda laa lagu soo hirtaa hareeri waab laa la harsadaa haradoo biyowdaa dadku ka haqab beelaa kaliil beeshu hayaantee x2

horaad jar uga tuur teen hablood ugu hoddeen hadimiyo lugooyaad badaan kaga hadhaan x2

raga iyo haween kuba waxay haybad ku yeeshaan hab samaanta guur kee x2

meelaan loo hubin aan horseed wadan looma haadshoo way hawirantaa hoobeeyaay haki caashaqa yuu habaabine x2

Exit mobile version