VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidirigam - Lyrics

goodkiyo abeeskoo
goco maale aaroo
wiishaa gadoodee
geeska rayska galisaay

geridu haldhaagoo
galawgiyo shinbirahaw
garasho seed u leedihiin

caashaq ma idin galay
laba gacal ahaayoo
kala gooyay waayuhu
gargaar ma u taraysaan
ma isu gayn karaysaan

galaangooley geesbay barataye sidirigam
haday gabadh tahay anaa gaye ee

hadii aan go'doomoo gaadhi waayay taan rabay
garbay noqotay caashaqa inaan daba gurguurtee
xagan gabi xaguna gabi gudcur daaha soo rogay

gaashaan qaad habaabiyo gulufoo dhulka u siman
gurmadkaygu weeyoo geedahaan ka baqayaa
goormaan socdaa xageen gaadhi karayaa

aduunyadan galgaladkee gaafaha nabsigu wado
ragbaa goor xun waligii gabo gabo fadhiistee
in kastoo la gaadoo laga gacan sareeyo
geesigu ma liicee gam'i maayoo ruuxii goob aboodi seexdee
gaariya ninkeedaa yaa gayaan jecel gogoshoo yaqaanaa

Queue is empty
-- / --