wiilka calafku sooree
caashaq suuban helaye
nasiibkiisu siiyoow
wuxuu mawlo kugu simay
ala sama u dhalatoo
sinjigeedu wacan yahoo
sodonkii quraankiyo
sune lagu anqariyoo
sida loo barbaarshaa
kugu filan sareedee
sayid noqo ilaasha
sida wali karaamee
sida sabi sabaalee
sida hooyo wax u sii
sida hobal u hees
saacidadeedaad
ragba kaga sarayne
sida boqorad maamuus

wiilkan cawilku sahantee
caashaq saafi helayoow
ayaankiisu siiyee
wuxuu saatir kugu saday
sada samir u dhalatoo
sawraceedu bilan yahoo
sodonkii quraankiyo
sune lagu anqariyoo
dad la socoshadeeda
kugu filan sareedaa
sayid noqo ilaasha
sdida wali karaamee
sida sabi sabaalee
sida hooyo wax u sii
sida hoobal ugu hees
saacidadeedaad
ragba kaga sarayne
sida boqorad maamuus

Exit mobile version