Heesta Waan idin dhaliilay - Lyrics
waan idin dhaliilay i dhagaysan waydeen
dhan kalaad u socotaane dhagalaay wax maqal
hooyo dhaxani haysaan dhar u qaad is leeyahay
aabo dhaan ka tagaybaan u dhawee is leeyahay
ilmo aanan dhalanbaan dhabta saar is leeyahay
waan idin dhaliilay dhaliilay waan idin dhaliilay
dhalaan gaajo qabatay ha dhargeen is leeyay
dhalin yarada joogtaan wax dhacsii is leeyahay
umad kala dhaqaaqdaan dhexdhexaadi leeyahay
waan idin dhaliilay waan idin dhaliilay