Heesta Xayaat - Lyrics
Ruuxaad Ka dhawrtaan
naxariista dhamiyee
indhahaagu dhudiyayee
dhugashada ku roonaaa
dhexdu Taaka iyo Laba
dheraadka Diidee
hadii La Isku Dhaarsado
ma La dhaafin Karayaa ~ ~
Dhawr Sano Iyo Shiibaa
ka Dhawrsaday Haweenkoo
jacayl Kooda Dhumiyoo
dhaqashada Ka Doortee...2X
uma Dhiganin Caashaqa
inaan Soo Dhaweyee...2X
xayaadey Dhibaatada
adigay Igu Dhaliyee...2X
Dhabanyadaada Xaada Lehe Howa
dheehiyo Labeenta Lehe Howaa
sumayaasha Dhinacyadee Howaa
geesaha U Dhaadhacayee Howaa
sida Dhayda Caanaha
indhahaaga Dhuunka Ah..2X
Timahaaga Dheereee
dhufashada Dabayluhu
hadba Dhinac U Rogayaan...1X
dhameelka Hawdiyo
hadad Tahay Hunguri Dhubuq..2X
dhuuntaan Ku Marin Laa...4X
BOGGA LABAAD
Karan Dhabadka Jilaal
dhulkoo Dhamac Ku Yuurura
dhibicdii U Hoorttee
dhoobada Ka Meedhaa...2X
quruxdiisa Geel Dhalay
iyo Dhaqanka Xoolaha...2X
dharaar Wacan Sidaadtay
dhugashaad Ku Roontee...2X
Dhilawyahanka Geedaha Ee Howaa
dhirta Loogu Daw Galayee Howaa
igu Dhereri Caashaqayee Howaa
dhexda Igu Kaa Marayee Howaa
bal Waxaa Ku Dhaafsado
dhuunigu Ma Helayaa...2X
Timahaaga Dheereee
dhufashada Dabayluhu
hadba Dhinac U Rogayaan...1X
dhameelka Hawdiyo
hadad Tahay Hunguri Dhubuq....2X
dhuuntaan Ku Marin Laa....4X )))
Lyric By Dayran omar