Adduunyadan gabaabsigaa
Adoo maal uruursi leh
Haku mudan inkaariyo
Cadaabtii ilaahay

Anna wali ismaan oran
Taad duul wadagteen
Adoo abid uroonaa
Ayeey aafa kuu dhigin

Ducaay u istareexaa
Nin anbaarsadoo ka doortay
Arxan kaam sugayee
Kadhamoow agteeydoo
Anigiyo ayaankiyo nasiibkay

Arin murug sanaataa
Odayaal u geesaa
Amaad harin
Adeegbaa dacwad kaaga oogeee
Amaad harin
Adeegbaa dacwad kaaga oogeee

Qofkaad aaminaysee
Dhibta hooyo kula jaqay
Hadduu ubucda kaa jaro
Illeen waa afkala qaad

Ducaay u istareexaa
Nin anbaarsadoo ka doortay
Arxan kaam sugayee
Kadhamoow agteeydoo
Anigiyo ayaankiyo nasiibkay

Exit mobile version